Sacuudiga oo si ku meel gaar ah ajaaniibta kaga joojiyay Cumrada

Image

RIYADH - Boqortooyadda Sacuudiga ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday inay joojisay Fiisooyinkii ay usoo saari jirtay dalka ajnabiga ah ee Cumrada u tagi jiray magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina.

Go'aankan ayaa loo sababeeyay cudurka Coronavirus oo kusii baahaya caalamka, iyadoo 220 kiis dad qabo xanuunka lagu arkay dalal ku yaalla bariga Dhexe, oo ay kamid yihiin Kuwait, Iran iyo Iran.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhanka kale kula talisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin dalalka laga soo sheegay Coronavirus, waxaana ay sare u qaadey heerka feejignaanta ee cudurkan halistiisa ku faafayso Asia, Europe, Latin America iyo Africa.

Xanuunka Coronavirus ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho Xajka sanadkan 2020, oo bilooyin ay ka harsan tahay.

Sanadkii 1865-tii, cudurka Daacuunka oo ka dilaacay Sacuudiga ayaa dilay 15,000 oo xujay ah.

Coronavirus ayaa kumanaan kun oo qof ku dilay China, halkaasi oo ah meeshii ugu horeysay ee lagu arkay December 2019, iyadoo hadda laga soo sheegayo inuu cudurka gaarey Brazil, Norway, Italy, Estonia, Denmark iyo Georgia.
 
Iran oo ay ku nool yihiin 80 milyan oo qof, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu fara ba'an ku hayo Coronavirus, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay sheegeen inuu dilay in ka badan 24 qof, islamarkaana uu soo ritay boqolaal uu ku jiro wasiirk ku xigeenka caafimaadka dalkaasi.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM