Sacuudiga oo si ku meel gaar ah ajaaniibta kaga joojiyay Cumrada

Image

RIYADH - Boqortooyadda Sacuudiga ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday inay joojisay Fiisooyinkii ay usoo saari jirtay dalka ajnabiga ah ee Cumrada u tagi jiray magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina.

Go'aankan ayaa loo sababeeyay cudurka Coronavirus oo kusii baahaya caalamka, iyadoo 220 kiis dad qabo xanuunka lagu arkay dalal ku yaalla bariga Dhexe, oo ay kamid yihiin Kuwait, Iran iyo Iran.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhanka kale kula talisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin dalalka laga soo sheegay Coronavirus, waxaana ay sare u qaadey heerka feejignaanta ee cudurkan halistiisa ku faafayso Asia, Europe, Latin America iyo Africa.

Xanuunka Coronavirus ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho Xajka sanadkan 2020, oo bilooyin ay ka harsan tahay.

Sanadkii 1865-tii, cudurka Daacuunka oo ka dilaacay Sacuudiga ayaa dilay 15,000 oo xujay ah.

Coronavirus ayaa kumanaan kun oo qof ku dilay China, halkaasi oo ah meeshii ugu horeysay ee lagu arkay December 2019, iyadoo hadda laga soo sheegayo inuu cudurka gaarey Brazil, Norway, Italy, Estonia, Denmark iyo Georgia.
 
Iran oo ay ku nool yihiin 80 milyan oo qof, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu fara ba'an ku hayo Coronavirus, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay sheegeen inuu dilay in ka badan 24 qof, islamarkaana uu soo ritay boqolaal uu ku jiro wasiirk ku xigeenka caafimaadka dalkaasi.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM