Sacuudiga oo gowracay 37 qof oo ku eedaysan argagixisinimo

Image

RIYADH, Sacuudi – Boqortooyada Sacuudiga ayaa Talaadadii toogasho ku fulisay 37 ruux oo ku eedaysan argagixisinimo, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga.

Xukuumada Riyadh ayaa sheegtay in talaabadaan ay ka dambeysay markii xubnahaasi lagu helay dambiga. Inkasta oo aysan kala caddeyn hadii loo ogolaaday in ay is-difaacaan.

Warbaahinta ku hadasha afka dowlada Sacuudiga ayaa baahisay in mid kamida maxaabiista oo 16-sano jir ah la dal-dalay kahor inta aan si arxan loo toogan.

Saxaafada reer Galbeedka ayaa warineysa in dhamaan xubnahaan aanan la toogan balse si toos ah qoorta looga jaray [la gowracay].

Intaasi waxaa wehlisa in dhamaan maxaabiista la dilay ay yihiin kuwa aaminsan fariiqada Shiicada, wallow war-fidiyeenka Sacuudiga aysan arrinkaasi soo hadal-qaadin.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha sida Amnesty International ayaa arrinkaan si kulul u cambaareeyay, waxaana caalamka ku dhaliileen inuu ka aamusay.

Sacuudiga waa mid kamida wadamada ay sanad kasta ka dhacaan toogashada oo labadii sano ee lasoo dhaafay hoos u dhac uu ku yimid dunida kale, sida lagu ogaaday daarsad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM