Sacuudiga oo "maleegay shirqool ka dhan ah xaaska Jamal Khashoggi"

Image

LONDON, UK – Sacuudi Carabiya ayaa isku dayey in uu basaaso xaaska wariyihii la dilay ee Jamal Khashoggi markii ay sanadkii hore booqatay Ingiriiska, sidda lagu daabacay The Guardian.

Hatice Cengiz, oo 38-sano jir ah, ayaa bishii May tagtay UK, waana bilooyin kadib markii la khaarijiyey saxafi Khashoggi.

Jaraa'idka ayaa intaas ku daray in Hay'addaha Sirdoonka Mareykanka oo xogtaan helay ay dhigooda Britain ka codsadeen in ay si gaar ah isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa Hatice Cengiz.

Warbixinta ayaa xustay in aysan kala caddeyn hadii dabagalka Cengiz uu yahay mid caadi ah ama in loo adeegsanayo qalab isgaarsiineed oo casri ah kaasoo meesha ay joogto sheegaya.

Arrintaan ayaa kusoo shaac-baxaysa iyaddoo dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salaan, lagu eedeeyay in uu u dhacay xogta mulkiilaha wargeyska Washington Post ee Jeff Bezos.

Xukuumada Riyadh ayaa durba meesha ka saartay isla markaana beenisay eedeymahaan oo ruxay Boqortyadda.

Khashoggi, oo mucaarad ku ahaa Bin Salmaan, ayaa bishii October, 2018, lagu dhex-dilay gudaha safaarada Sacuudiga ee magaalada Ankara, talaabadaas oo sababatay cambaareyn caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM