Shiinaha oo farta ku fiiqay dalka "abuuray" caabuqa Coronavirus

Image

BEIJING, China – Xili hay'adda caafimaadka aduunka WHO ay shaacisay in cudurku yahay mid si degdeg ah u faafi og, Shiinaha ayaa markii ugu horeysay si furan ugu eedeeyay Mareykanka "in uu abuuray" Coronavirus.

Xukuumadda Beijing oo mowqifkeeda kusoo koobtey "tuhun" ayaa dhigeeda Washington ka codsatay sharaxaad dheeraad ah.

Lijian Zhao, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda China, ayaa Twitter-ka wuxuu si gaar ah ugu beegsaday Ciidanka Mareykanka [CDC].

Fariintiisa ayuu soo raaciyey muuqaal uu Congress ku su'aalayo Robert Redfield, Agaasimaha Xarunta Ka Hortaga Cudurada Mareykanka.

Zhao, oo sidoo kale ah agaasime ku xigeenka warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda China, ayaa dhowr su'aalo is-waydiiyey kahor inta uusan weerarin Mareykanka.

"CDC waxaa lagu qabtay fagaaraha," ayuu yiri. "Goormee ayay bilaabatay in Mareykanka uu ka caagan yahay? Imisa dad ayuu ku dhacay? Maxay yihiin magacyadda Isbitaaladda? Waxay u muuqataa in ciidamada Mareykanka ay cudurkaan faafa geeyeen Wuhan. Noqda kuwa daahfuran! Soo bandhiga macluumaadkiina! Mareykanka waa in uu na siiyaa tafaasiil".

Wuhan waa magaalada ku taala Mareykanka ee uu kasoo bilowday xanuunka oo illaa iyo haatan galaaftey nolosha in ka badan afar kun oo ruux.

Sidda laga soo xigtay Zhao, gudaha Mareykanka waxaa laga diiwaan-geliyey 34 milyan oo kiisaska Coronavirus ah, waxaana uu dilay 20-kun oo ruux.

Hadalka Shiinaha ayaa xoojinaya eedeymo horey kaga yimid saraakiil ka tirsan sirdoonka Ruushka, kuwaasoo sheegay in Mareykanka uu caabuqa u sameeyay si uu hoos ugu dhigo kobaca dhaqaalaha iyo ganacsiga China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM