Shil ay dad badan ku le'deen oo ka dhacay dal Yurub ka tirsan

Image
Image

MADEIRA, Portugal – Ugu yaraan 29 ruux ayaa ku geeriyootay markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu qalibmay, sidda uu xaqiijiyay Booliska, oo hoosta ka xariiqay in tirada dhimashada ay kordhi karto.

Musiibadaan oo ay ku dhaawacmeen 27 kale ayaa ka dhacday meel ku dhow magaalada Caniço, kana tirsan jaziirada Madeira ee wadanka Portugal.

Inta badan dadka saarnaa baabuurka ayaa ahaa dalxiisayaal u dhashay Germany, wallow dad kale oo dalkaasi kasoo jeeda ay la socdeen gaariga.

Madaxda gobolka ay dhibtu ka dhacday ayaa ka tacsiyeeyay arrintaan xili ay soo kabasho degdeg ah u rajeeyeen dhibanayaasha isbitaalada ku jira.

Si dhab ah looma ogga waxa keenay shilka, balse waxaa loo badinayaan in ay tahay cilad dhanka darawalka ka timid.

Dowlada Jarmalka oo si lamid ah tilmaamtay in ay murugada la qaybsaneyso ehelada dadka dhintay ayaa dalbatay baaris lagu sameeyo arrinkaan.

Madaxwaynaha Portugal, Rebelo de Sousa, ayaa tegaya goobta ay mashaqadu ka dhacday oo kuwa maxaliga ah ay mar sii horeysay tageen.

Sanadkii 2005-tii ayay ahayd markii shil gaari oo ka dhacay isla Jaziirada Madeira gaar ahaan halka loo yaqaano São Vicente ay ku naf-waayeen shan dalxiisayaal u dhashay wadanka Talyaaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM