Shimbirta aduunka ugu halista badan oo dishay ninkii lahaa

Image

FLORIDA, US – Shirta aduunka ugu halista badan ee lugaha ku leh cidiyo waawayn ayaa dishay ninkii lahaa, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Sheekadaan oo aad ay u hadalhayso warbaahinta ayaa ka dhacday degmada Gainesville, ee gobolka Florida, wadanka Mareykanka.

Dhacdada ayaa ka dambeysay markii mulkiilaha, Marvin Hajos, oo 75-sano jir ah, uu guriga gadaashiisa kusoo dhacay.

Booliska ayuu durba soo garaacay markii ay shimbirtu soo weerartay. Hasayeeshee, wicitaanka labaad qof kale ayaa soo garaacay.

Ruuxa labaad ayaa dalbayay gargaar caafimaad oo deg deg ah. Nasiib daro, markii Boolisku yimid goobta waa uu geeriyooday.

Marvin Hajos, ayaa la sheegay in uu si wacan u xanaaneen jiray shimbirta, inkasta oo dhowr jeer looga digay halisteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM