Siyaasi loo maxkamadeynayo tacadi ka dhan ah dad ay Soomaali ku jiraan

Image

ROMA, Italy – Aqalka Sare ee baarlamaanka Talyaaniga ayaa u coddeeyay in xasaanada laga xayuubiyo hogaamiyaha midigta fog Matteo Salvini, oo sidoo kale ah madaxa xisbiga League ee Italy.

Salvini oo qorshuhu yahay in maxkamad lasoo taago ayaa loo haystaa eedeymo loo jeediyey intii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga, xilkaasoo uu hayey muddo 14-bilood ah.

Dacwada laga gudbiyey ayaa ku saabsan ku tagrifal awodeed, afduub iyo xarig sharci darro ah, eedeymahaas oo uu ku muteysan karo 15-sano oo xarig ah iyo in xafiis dowladeed laga mamnuuco.

Hadii ay dhacdo in laga mamnuuco shaqo dowladeed waxay meesha ka saareysaa hiigsigiisa ahaa in uu hogaamiyo dowlad. Salvini wuxuu horey u soo noqdey ra'iisul wasaare ku xigeenka Italy.

Mudadii uu xafiiska joogay, Salvini ayaa xooga saarey xakameynta soo galooti badankiisa kamid yimid Afrika oo gaar ahaan dalal ay kamid tahay Soomaaliya. Dadkaas ayuu ula dhamqay "si xun".

Mid kamid ah dhacdooyinkii dunida ka careysiiyey ee uu ku lug yeeshay Salvini waa in uu muddo shan maalmood ah badda ku dhex-haayey markab ay la socdeen muhaajiriin, bishii August 2018.

Wallow go'aankaas uu taageero kaga helay xisbiga talada haya ee 5-Star, balse haatan xulafiisii hore waxay sheegeen in uu qaatay go'aan hal dhinac ah iyaddoo aysan jirin ogolaanshiyo daraf kaliya ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM