Soomaali-British noqdey qofkii ugu da'da yaraa ee Covid-19 uu ku dilay UK

Image

LONDON, UK – Wiil Soomaali-British ah kaas oo 13-jir ah isla markaana dhigan jiray iskuul ayaa wuxuu noqdey qofkii ugu da'da yaraa ee Coronavirus uu ku dilay gudaha UK, illaa iyo haatan inta la diiwaan-geliyey.

Ismaaciil Maxamed Cabduwahaab oo deganaa Brixton, koonfurta London, ayaa Isniintii ku dhintay isbitaalka King’s College markii xanuunka Covid-19 laga helay Jimcadii lasoo dhaafay, sidda la sheegay.

War-saxaafadeed kasoo baxay qoyska ayaa lagu qiray Ismaaciil lagu arkay astaamaha fayruska oo ay kamid tahay in ay ku adkeyd neefsashada. "Markii uu galay koomo, shalay ayuu geeriyooday".

Reerka, oo aabahood uu u geeriyooday cudurka dilaaga ah ee Kancsarka, ayaa tilmaamay in da'yarka uusan horey u qabin xanuuno kale.

Koleejkii uu dhigan jiray oo lagu magacaabo Madinah College ayaa durba bilaabay olole ay ku daboolayaan qarashka aaska ama duugta.

"Waxaan ALLE uga baryeenaa in uu naxariistiisa ugu bedelo mudadii adkeyd ee xanuunka uu la noolaa," ayay ku yiraahdaan war qoraal ah.

Guud ahaan Ingiriiska, Coronavirus wuxuu galaaftay 1,800, qeyb kamid ah dadkaas oo dhan 393 waxay dhinteen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidda ku xusan warbixinta Waaxda Caafimaadka.

Saddex meelood hal dalool, shaqsiyaadka u dhintay colkaan daahsoon ayaa lagu waramay in ay kasoo jeedaan magaala madaxda London.

Tan iyo markii uu bishii December ka dilaacay Wuhan, bartamaha waddanka Shiinaha, fayruska oo ku faafay 179 ayaa dilay in ka badan 41-kun, iyaddoo uu soo ritay 850,000. Tiradda kasoo bogsootay waa 176,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM