Spain: Huteelada oo noqdey Isbitaalo xili ay korortay tirada geerida COVID19

Image

MADRID, Spain – Xili ay aad u sareyso suurtagalnimada in ay kororto, wasaarada caafimaadka Spain ayaa xaqiijisay in tirada dadka waddankaas ugu dhintay Coronavirus ay maanta gaartay 1,004 oo ruux.

Kiisaska xanuunkaan ee laga diiwaan-geliyey dalkaas ayaa mareysa in ka badan 19-kun, waxaana laga cabsi qabaa in ay badato.

Spain waa qaranka labaad ee dhaca qaarada Yurub ee sidda ba'an uu u aafeeyay COVID –19, marka laga soo tago Talyaaniga.

Dhanka kale, huteelada magaalooyinka Spain oo noqdey isbitaalo ayaa la ciir-ciiraya bukaanada oo u badan dadka da'da ah.

Dowladda ayaa ku dhawaaqdey xaalad deg-deg ah, iyaddoo shacabka lagu tartarsiiyey in ay baaqi ku ahaadaan gurigooda.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa hogaamiyeyaasha caalamka ku boorisay in ay si wadajir ah ula dagaalamaan cudurka isla markaana meel leyska dhigo xaaladaha siyaasadeed ee taagan.

Ku dhowaad 11-kun oo ruux ayaa dunida oo dhan ugu geeriyootay caabuqaas si deg-deg ah u faafa isla markaana kasoo bilowday bartamah China, iyaddoo kiisaska la hubiyey ay ka badan yihiin 130-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM