Dowladda Sri Lanka oo lacag ugu deeqday deyn cafinta Soomaaliya

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Dowlada Sri Lanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay ka qeyb-qaadaneyso ololaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Bangiga Dhexe ee waddankaas ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qaan-dhaafka dalka dhaca Geeska Afrika.

Sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah, deeqda ay Sri Lanka bixineyso ayaa gaareysa ku dhowaad saddex milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa lagu shubi doonaa Koontada Hay'adda Lacagta Aduunka IMF oo maamuleysa kaalmada deyn cafinta waddanka.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo dhowaan Guddiga sare ee IMF uu meelmariyey qorshaha maalgelinta deyn cafinta Soomaaliya.

Si lamid ah, go'aanka Sri Lanka ayaa imaanaya xili Bangiga Aduunka iyo IMF ay caddeeyeen in Soomaaliya u qalanto in deynta laga dhaafo.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa lagu leeyahay in ka badan shan bilyan oo Doolar, waxaana hal bilyan oo kamid ah ku leh waddanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan oo xirtay haweeney isku-dhex-qaawisay jaamacad ay dhiganeysay

Jaamacadda Azad ayaa sheegtay in haweeneyda ay la ildaran tahay "xanuun maskaxeed".

  • Caalamka

    05-11-2024

  • 07:29AM

Xamaas: Israa'iil dhab kama ahan wadaxaajoodka xabad-joojinta Gaza

Kooxda iska caabinta Falastiin ayaa sheegtay in Yahuuda ay diideen soo jeedin kasta xabad-joojin ah.

  • Caalamka

    02-11-2024

  • 05:38AM