Tirada dhimashada Coronavirus ee guud ahaan caalamka oo korortay

Image

LONDON, UK – Cilmi-baareyaasha Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka ayaa soo wariyey in ay si baaxad weyn u korortay tirada dhimashada Coronavirus ee guud ahaan caalamka.

Warbixin ay soo saareen ayay daboolka kaga qaadeen in kiisaska ay saacadihii lasoo dhaafey gaareen 755,591 [todoba boqol konton iyo shan kun, sagaal sagaashan iyo kow].

Jaamacadan oo xogaha kasoo uruurisa Hay'adda Caafimaadka Aduunka iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa intaas ku dartay geerida ay kor-u-dhaafeyso 40,000 [afartan kun] oo ruux.

Ilaha ay jaamacada macluumaadyadda kasoo xigato waxaa kamid ah saxaafada caalamka iyo dowladaha.

Dadka ka bogsaday cudurka oo si hoose u socota ayaa waxay ka badan tahay boqol kun, taasoo muujineysa heerka khatarta Covid-19, wallow dadka dhimanaya ay da' yihiin.

Mareykanka ayaa ah dalka laga soo wariyey kiisaska ugu badan xili Talyaaniga uu horkacayo dhimashada.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga soo sheegay saddex kiis, kuwaasoo ku kala dhacay muwaadiniin ka soo safray Talyaaniga iyo Shiinaha, halka kiiska saddexaad uu yahay qof ajnabi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM