Trump oo baaq kasoo saarey dadka Covid-19 ugu dhimanaya Mareykanka

Image

NEW YORK, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qiray suurtagalnimada in ay kordhi karto tirada dadka uu Coronavirus ku dilay gudaha wadankiisa, wallow uu codsaday in la baajiyo.

Isagoo wariyeyaasha la hadlaya, Trump ayaa tilmaamay in uu "shaqo fiican" u aqoonsan doono hadii lagu guuleysto in dadka uu Mareykanka ku laayey xanuunkaas aysan ka badan kun ruux.

Mareykanka ayaa ah dalka soo wariyey kiisaska ugu badan ee Covid-19, waxayna haatan ka badan tahay laba boqol oo kun.

"Hadii maamulkeyga ku guuleysto in dhimashada aysan ka badan 100-kun, waxay noqon doontaa shaqo wanaagsan, waxaana rajeynayaa in taasi dhacdo," ayuu ku nuux-nuux saday Donald Trump.

Dhanka kale, Trump ayaa wuxuu kordhiyey mudada sharuucda dadka fareysa in ay kala fogaadaan si looga hortago faafitaanka.

Bisha April ee sanadkan 2020 gaar ahaan 30-keeda ayuu tilmaamay in ay soo gabagabi doonto mamnuucista ku aadan in dadku isu soo dhowaadaan marka ay yeelanayaan kulamo daruuri ah.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa wuxuu ku jiraa liiska wadamada uu sida ba'an u aafeeyay xanuunka, kaasoo uu hogaaminayo Talyaaniga oo illaa iyo haatan uu ku galaaftay in ka badan tobban oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM