Turkiga oo qaadey talaabo uu cadaalad ugu raadinayo Khashoggi

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa maanta dacwad kusoo oogay 20 lagu tuhmayo dilka wariyihii u dhashay Sacuudiga ee Jamal Khashoggi loogu geystay Istanbul, bishii October ee sanadkii 2018-kii.

Xeer-ilaalinta Ankara ayaa ka shakisan in taliye ku xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Ahmad Asiri, iyo Saud al-Qahtani, oo lataliye u ahaa boqortooyada, ay isku dabarideen khaarijinta.

Sidda ku xusan gal-dacwadeedka, sideed iyo tobbanka [18] kale ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen "dilka foosha xun ee sidda ola kac ah loogu dhex-fuliyey gudaha Qunsulyadda Sacuudiga".

Mukhaabaraadka reer Galbeedka ayaa rumeysan in dilka uu amray dhaxal-suge Maxamed bin Salman, wallow uu beeniyey isla markaana uu cadaalad u balanqaadey qoyska Jamaal.

Baare-gaar ah oo Qaramada Midoobay u saartay kiiska ayaa sheegtay in Khashoggi uu "dhibane u yahay dil qorsheysan oo olac ah kaasoo Dowladda Sacuudiga ay mas'uul ka tahay".

Jamaal oo ahaa qoraa 59-sano jir ah kana tirsanaa wargeyska afka dheer ee Washington Post ayaa aad u dhaleeceyn jiray siyaasadda isbedel ee bin Salmaan.

Xukuumadda Riyadh oo "howlgal aan laga fiirsan" ku tilmaamtay beegsiga Jamaal ayaa bishii December ee sanadkii hore waxay dil toogasho ugu xukuntay falkaas tirro xubno oo aysan qeexin.

Dacwad-oogeyaasha Turkiga ayaa sheegay in eedeymahooda ay ku saleeyeen caddeymo ay ka heleen markhaatiyaal. Dadka ay tuhusan yihiin waxaa kamid ah askar ka tirsan boqortooyada.

Qaabka loo dilay Jamal Khashoggi oo argagax lahayd ayaa waxaa la sheegay in marka hore madaxa loo geliyey maro isla markaana neefta lagu celiyey, kadib markii uu dhintayna la jarjaray meydkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM