UN-ka oo dalbaday xabad-joojin caalami ah si loola tacaalo COVID-19

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa wuxuu ku baaqay xabad-joojin caalami ah ka dhaqan-gasha aduunka oo idil si loola dagaalamo fayruska faafa ee Corona.

Madaxa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa yiri "waxaa la joogaa waqtigii aynu dhigi lahayn qoryaha isla markaana aan diiradda saari lahayn siddii aynu u badbaadin lahayn nolosheena".

Guterres ayaa rumeysan in dunida ay hadda wajaheyso "cadow guud" oo uu ku sheegay COVID—19, kaasoo uu hoosta ka xariiqay "in uusan waxba ka gelin qaran, qowmiyad, garab ama diin".

Dumarka, caruurta, dadka aanu lixaadkooda u dhameyn iyo barakacyaasha ku sugan goobaha colaadaha ayuu xusay in ay yihiin kuwa aadka ugu nugul marka ay timaado geerida COVID-19.

Soomaaliya, oo ilaa iyo haatan laga xaqiijiyey hal kiis oo caabuqaas ah, ayaa kamid ah wadamada caalamka gaar ahaan Afrika ee colaaduhu ay ka jiraan tobanaan sano.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay khatarta ugu weyn ee amniga Qaranka. Kooxdu waxay geysataa dilal,, qaraxyo iyo weeraro ay ku beegsato fariisimaha Ciidamada Dowladda.

Guud ahaan dunida, xanuunka ayaa dilay in ka badan 13-kun oo ruux. Wadarta guud ee kiisaska lasoo wariyey waxay ka badan tahay 200-kun. Qaaradda Afrika oo 41 waddan uu gaarey waxaa ka jira kun kiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM