Vladimir Putin iyo Kim Jong-un oo kulmay markii ugu horeysay

Image

VLADIVOSTOK, Russia – Hogaamiyeyaasha dowladaha Ruushka iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa sameeyay is-gacan-qaad taariikhi ah kadib markii ay kulmeen markii ugu horeysay.

Vladimir Putin iyo Kim Jong-un ayaa ku kulmay jasiizadda Russky oo ka baxsan magaalada Vladivostok bariga dal-waynaha Raashiya.

Labada mas'uul ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan madaxeed kaasi oo diirada lagu saarayo qodobo kala duwan oo xasaasi ah.

Ajenadaha shirka ayaa ah Nuk-liyeerka, xiriirka Washington and Pyongyang iyo cilaaqaad u bilowday dowladaha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

In ka badan 300 suxufiyiin oo caalamka isaga kala timid ayaa dhacdadaan si toos ah uga soo tabinaya bariga fog ee dhulka Qaboobaha caanka ku ah.

Kim-ka hadda talada haya aabihii, Kim Jong-il kaasi oo geeriyooday, ayaa u socdaalay Ruushka sanadkii 2011-kii kahor inta uusan hogaamiyaha waqti xaadirkaan ee Kuuriyada Waqooyi uusan talada la wareegin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM