Wadahadalo u bilowday Iiraan iyo quwadaha adduunka
TEHRAN, Iran – Iran iyo quwadaha waawayn ee aduunka ee wali qayb ka ah heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 ayaa wadahadalo rasmi ah uga bilowdeen magaalada Vienna ee dalka Austria iyadoo ay sii xoogeysanayaan iskudayada lagu doonayo in dalka Mareykanka loogu celiyo heshiiskaas taariikhiga ah.
Wadaxaajoodyadda ka socda magaalada Imperial iyo Grand Hotels ayaa u dhexeeya wakiillada Iran, Shiinaha, Ruushka, Jarmalka, Faransiiska, iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Markii ugu horreysay tan iyo markii madaxweynihii hore Mareykanka Donald Trump uu si iskiis ah uga baxay heshiiskan loo garan og-yahay JCPOA bishii Maajo 2018, Mareykanka wuxuu wali ku sugan yahay mowqifkiisa wallow uu hoosta ka xariiqay in uu doonayo badbaadinta heshiiskan taariikhiga ah.
Balse, wafdiga Mareykan ah ee uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Iiraan ee Robert Malley ayaa qeyb ka ahayn kulanka wadajirka ah ee guddiga JCPOA, maadaama Iiraan ay sheegtay in aysan toos toos ula xaajoon doonin Mareykanka ilaa dhammaan cunaqabateynta adag ee uu saaray Trump uu meesha ka saarayo maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Jeo Biden.
Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa shaaca ka dhigay in Iiraan ay si deg deg ah dib u yarayn doonto horumarinta uranium-ka iyo howlgalada dhanka cirka, isaga oo tibaaxay in aysan u dhutin doonin xayiraada.
Wafdiga Iran ee ku sugan Vienna, oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arimaha dibada Abbas Araghchi, ayaa sidoo kale ka kooban wakiilo ka socda bangiga dhexe ee dalka, wasaarada batroolka, iyo hay’ada tamarta atomiga maadaama cunaqabateynta ay ugu horeyn bartilmaameedsatay waaxda maaliyada Iran iyo horumarinta saliida.
Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, wadahadallada Vienna waxaa qeyb ka ah "gorgortan farsamo oo ku saleysan qaab waaya-aragnimo leh" si cunaqabateynta Mareykanka loo qaado iyo in Iran ay dib ugu laabato heshiiska.
Wadahadalladu waa hadaf muhiim ah oo uu leeyahay maamulka Biden, oo ku ololeeyay ballanqaad ah inuu ku laabanayo heshiiskii 2015. Laakiin waqtiga iyo qaab-dhismeedka shirarku waxay wajahayaan niyad-jab maadaama aysan muuqan talaabo deg-deg ah oo Washington u qaadey ka qeybgalka kulanka.
GAROWE ONLINE