Walaalo damacsanaa ku biirista Daacishta Soomaaliya oo dambi qirtay

Image

WASHINGTON, US – Laba ruux oo kasoo jeeda magaalada Lasing ee gobolka Michigan, dalka Mareykanka ayaa qirtay dacwado la xiriira argagixisinimo.

Maxamuud Muuse iyo walaalkiisa Muuse Muuse ayaa qirtay hal dambi oo ah in ay taageereen koox loo aqoonsan yahay argagixiso caalami ah.

Shaqsiyaadkan ayaa bishii Janaayo sanadkii hore 2019 waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha magaaladda Grand Rapids ee gobolkaas.

Saraakiisha amniga ayaa daboolka ka qaadey in ay kusoo wajahnaayeen Soomaaliya si ay uga mid noqdaan maleeyshiyaadka Daacish.

Hay'addaha ammaanka ayaa tilmaamay in labadooda ay cod u duubeen kooxda una direen lacag dagaalame ka tirsan ISIL-Somalia.

Dacwad oogeyaasha ayaa meesha ka saarey kiisas la xiriira in ay qalab ku taageereen ururka iyo in ay adeegsaden Baasaboor been abuur ah

Garsoore Gordon Quist ayaa Maxamed Muuse xukun ku ridi doona 30-ka June, halka Muuse Muuse la xukumi doono 20-ka Maaj.

Sidda ay aaminsan yihiin sharci-yaqaanadda, labadooda waxay wajahayaan 20-sano oo xabsi ah, maadaama gal-dacwadeedkooda uu culus yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM