WHO oo sameysay saadaalin ku saabsan tirada kiisaska Covid-19

Image

NEW YORK, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa saadaalisay in kiisaska Coronavirus ee guud ahaan caalamka ay mustaqbalka dhow gaari doonan hal milyan.

Tedros Adhanom, madaxa guud ee WHO oo saadaalintaas sameeyay, ayaa muujiyay walaac badan uu arrinkaas uu ka qabo, wallow uu rajeeyay in dunida ay isla garan doonto halista.

Inta illaa iyo haatan la diiwaan-geliyey, kiisaska ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay gaareen sagaal boqol oo kun, iyaddoo dadka u geeriyooday cudurka ay ka badan yihiin 43-kun oo qof.

Sidda ku xusan macluumaadkii ugu dambeeyay, dadka kasoo kabtay fayruska ayaanan ka badneyd 180-kun.

Wadamada kala ah; Talyaaniga, Spain, Shiinaha, Mareykanka iyo Faransiiska waa kuwa uu ka dilay dadka ugu badan.

In ka badan 30-shirkadood iyo xarumo caafimaad ayaa ku howlan siddii ay u soo saari lahaayeen talaal looga hortago caabuqa.

Sikastaba, waxaanan wali la ogeyn goorta la heli doono talaalkaas oo muhiim u ah la dagaalanka Covid—19, oo ah xanuunka uu sababay Coronavirus, oo kasoo bilowday Wuhan, bartamaha China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM