Xaaska ra'iisul wasaaraha Canada oo laga helay Coronavirus

Image

TORONTO, Canada – Xaaska ra'iisul wasaaraha waddanka Canada ayaa waxaa lagu waramay in laga helay caabuqa saf-marka ah ee Coronavirus.

Justin Trudeau oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa sheegay in Sophie Gregoire ay dareemeyso caafimaad daro.

Marwadiisa ayuu hoosta ka xariiqey in ay baaqi kusii ahaan doonto karan-tiilka illaa ay kasoo buksan doonto xanuunkaas.

Lama fahfaahin qaabka ay ku qaadey cudurka, wallow ay jiraan sheegashooyin badan oo saxaafadda maxaliga ay warineyso.

Mid kamid ah hadalheynta aadka u xoogan waxay tahay in loo maleynayo in ay kasoo qaadey xaflad meher oo ay kaga qeybgashay UK.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili Trudeau uu ku dhawaaqay in uu karan-tiil galay isla markaana uu iska hubinayo in uu qabo cudurkaas.

Canada ayaa xaqiijisay 140 kiis oo cudurkaas ah. Geerida illaa iyo haatan la hubo waa kalkaaliso waayeel ahayd taasoo deganeyd British Columbia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM