Xaaska ra'iisul wasaaraha Canada oo laga helay Coronavirus

Image

TORONTO, Canada – Xaaska ra'iisul wasaaraha waddanka Canada ayaa waxaa lagu waramay in laga helay caabuqa saf-marka ah ee Coronavirus.

Justin Trudeau oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa sheegay in Sophie Gregoire ay dareemeyso caafimaad daro.

Marwadiisa ayuu hoosta ka xariiqey in ay baaqi kusii ahaan doonto karan-tiilka illaa ay kasoo buksan doonto xanuunkaas.

Lama fahfaahin qaabka ay ku qaadey cudurka, wallow ay jiraan sheegashooyin badan oo saxaafadda maxaliga ay warineyso.

Mid kamid ah hadalheynta aadka u xoogan waxay tahay in loo maleynayo in ay kasoo qaadey xaflad meher oo ay kaga qeybgashay UK.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili Trudeau uu ku dhawaaqay in uu karan-tiil galay isla markaana uu iska hubinayo in uu qabo cudurkaas.

Canada ayaa xaqiijisay 140 kiis oo cudurkaas ah. Geerida illaa iyo haatan la hubo waa kalkaaliso waayeel ahayd taasoo deganeyd British Columbia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM