Xasaasiyadda laga qaado lawska oo dawo loo helo

Image

Mareykanka ayaa ansixiyay dawadii ugu horreysay ee loogu talagalay xasaasiyadda ay lawska ka qaadaan dadka, gaar ahaan carruurta.

Dawada oo lagu magacaabo AR101, ama Palforzia, waxaa laga qaataa afka, iyadoo carruurta laga siinayo wax aad u yar, balse waxay sare u qaadeysaa nafaqada lawska muddo lix bilood ah, waxaana loo baahan yahay in dhakhtar uu si dhow ula socdo xaaladda qofka.

Markaa ka dib, dadka isticmaalaya waa in ay qaataan maalin kasta si jirkooda uu ugu dulqaato xasaasiyad ka dhalan karta cunidda lawska.

Dawadan ma wada bugsiineyso xanuunka, seynisyahannada sameeyayna, waxay ka digayaan xasaasiyadda suuragalka ah in ay ka dhalato oo halisteeda ay sii jiri karto.

Bukaannada waa in ay sii wadaan ka fogaanshaha cunista lawska.

Lawska waa cuntada laga qaado xasaasiyadda ugu badan, iyadoo tirada dadka ku xanuunsada lawska ay sare u sii keceysay sannadihii la soo dhaafay.

BBC

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM