Xildhibaanad Ilhan Omar oo guursatey nin la shaqeyn jirey

Image

Xildhibaanad Ilhaan Omar oo ka tirsan aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa habeenimadii Arbacada sheegtey iney tahay Caruusad.

Ilahan Cumar oo aqalka Wakiilada dalka Mareykanka u Matasha gobolka Minnesota ayaa Sawir ay soo dhigtey bogeeda Instagram waxaa ku weheliyey la taliyaheeda siyaasada Tim Mynett. 

" Waan guursadey! saxiibkeyga siyaasada ayaa noqdey midkeyga nolosha, aad ayaan u nasiib badnahay. Alhamdulilah," iyadoo hoos kaga qortey qoraalkeeda Ilaahey baa Mahad Leh.

Halkaan ka eeg fariinteeda Instagram 

Hadal haynta xiriirka u dhexeeyey Ilhan Omar iyo Mynett ayaa noqdey mid dhab ah bishii August kadib markii xaaska la taliye "Mynett" Beth Mynett, 55 sano jirta ay Maxkamada ku xereysay codsi in laga furo saygeeda oo 38 jir ah.

Waraaqaha Maxamada, Beth Mynett ayaa waxaa ku qoraa in ninkeeda xiriirka shaqada mid ka badan uu la lahaa Ilhan Omar, sidaas waxaa wariyey wariyaha FOX9 u fadhiya magaalada Minneapolis- St.

Kala taga Mynett iyo xaaskiisii hore ayaa la dhameystirey bishii December sanadkii la soo dhaafey kuwaas isu dhaley Will xiligaan dhalinyaro ah.

October-tii la soo dhaafey ayaa sidoo kale Omar buuxisay waraaqaha codsiga furiinka ninkeeda, Ahmada Hersi, Aabaha sadexdeeda caruurta ah.

" Ma aheyn wax xal laga gaari karo xiriirkeena guurka ah oo burburey," ayay Ilhan Omar ku sheegtey waraaqihii ay Maxkamada ku xereysay xiligaas oo ay 38 sano jirsatey.

Omar waxay sheegtey in iyada iyo ninkeedii hore "Hersi" uusan jirin amar Maxkamadeed oo diidaya in caruurtooda si siman u korsadaan.

Ilahan Omar ayaa furiinkeeda waxaa uu dhinaca Maxkamada ka noqdey sharci  November sanadkii la soo dhaafey.

Halka Hersi hadda uu gabar kale oo Soomaali ah 37 cisho kadib ku guursadey dalka Soomaaliya sidaas waxaa wariyey jariidada New York Post 

Related Articles

Xamaas: Israa'iil dhab kama ahan wadaxaajoodka xabad-joojinta Gaza

Kooxda iska caabinta Falastiin ayaa sheegtay in Yahuuda ay diideen soo jeedin kasta xabad-joojin ah.

  • Caalamka

    02-11-2024

  • 05:38AM

UNICEF oo Ka Digtay Saamaynta Ba’an ee Dagaalka Lubnaan Ku Yeeshay Carruurta

Raysal Wasaaraha xilka sii haya ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa Arbacadii…

  • Caalamka

    31-10-2024

  • 08:16PM