Cabashooyin ka jira xabsiga dhexe oo loo gudbinay Golaha Shacabka

Image
Warbixintan ayaa ka dambeysay markii guddi ka socda Aqalka Hoose ay booqdeen jeelkan ku yaalla Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani'aadanimada, ayaa kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhaxe ee Xamar. Waxaa xabsiga dhaxe ee Xamar ku soo dhaweeyay, taliyaha xabsiga dhaxe Daahir Cabdulle Raage.

Guddiga ayaa soo kormeerey dhammaan qeybaha kala duwan ee xabsiga, waxayna maxaabiista ka dhageysteen cabashooyinkooda la xiriira xuquuqdooda Aas-aasiga ah oo ay xaqa u lahaayeen in ay helaan.

Intaas kadib, taliyaha xabsiga dhaxe ayaa warbixin ku saabsan xaaladda xabsiga iyo maxaabiista la wadaagay guddiga xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani'aadanimada.

Gabagabadii Xubnaha Guddiga ayaa ballan qaaday in ay si dhaw u la shaqeeyn doonaan warbixintoodana la wadaagi doonaan Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri), ayaa kormeeray hoolka fadhiga Golaha kaas oo 29-ka May loo madlan yahay Furitaanka kalfadhiga 3-aad.

Jaabiri waxaa kormeerkan ku wehliyey Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare Cabdinaasir Ibrahim Guuleed maadaama fadhiyada labada gole qorshuhu yahay in wadajir loo furo.

"Xoghayeyaasha ayaa kormeeray shaqada ka socoto hoolka iyo sida loogu diyaar garoobayo furitaanka kalfadhiga 3aad ee BJFS, waxayna boggaadiyeen dayactirka Hoolka weyn ee fadhiga Golaha In lagu sameeyay is bedel," ayaa lagu yiri qoraal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM