Colaada Laascaanood: Villa Soomaaliya oo dalbatay "fududeyn wadahadalo"

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli madaxwayne Xasan Sheekh uu la kulmay Isimada dhaqanka ee SSC.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaaladda Laascaanood.

Isimada Dhaqanka ayuu ka dhageystey aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda ayuu mar kale soo hadal-qaadey, sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqay "in ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya".

"Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag," ayay tibaaxdey Madaxtooyadda.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxay ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ku yimid Muqdisho casuumaad ay ka heleen Madaxtooyadda Soomaaliya si loo falanqeeyo qadiyadda Laascaanood isla markaana xal kama dambeys ah looga gaaro colaadda.

Marti-qaadkan ayaa waxa uu kusoo hagaagay ka gadaal markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa bilooyin uga hareen uu dowladda federaalka la xiriiriyey colaada uuna sheegey in ay qeyb ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM