Dad lagu dilay toogasho wadareed ka dhacdey Mareykanka

Image
Toogashada wadareedkan ayaa qeyb ka ah ugu yaraan 337 dil wadareed ka dhacay Mareykanka sanadkan.

WASHINGTON, US - Laba qof ayaa ku dhintay 28 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho wadareed ka dhacday goob xaflad ka socotay oo ku taal magaalada Baltimore ee dalka Maraykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Toogashada ayaa ka dhacday xaafada Brooklyn Homes ee dhanka koonfureed ee magaalada, Richard Worley, oo ah ku simaha Taliyaha Booliska Baltimore, ayaa u sheegay saxafiyiinta.

Ma jirto cid loo soo qabtay toogashada ka dib. Worley ayaa sheegay in boolisku ay ku howlanaayeen sidii ay u ogaan lahaayeen tuhmanaha iyo sababta keentay toogashada.

Toogashada wadareedkan ayaa qeyb ka ah ugu yaraan 337 dil wadareed ka dhacay Mareykanka sanadkan, sida laga soo xigtay GVA oo diiwaan-gelisa fal-dambiyeedyadda hubeysan ee gudaha Ameerika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM