Diblumaasi Yahuud ah oo laga saarey shirkii Midowga Afrika

Image
Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinayay xarbi ka dhacday meesha oo dhex maraysa illaalada iyo danjiraha haweenayda ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in buuq uu ka kacay shirkii madaxda Afrika ee Addis Ababa kadib markii illaalada shirka ay xoog kaga saareen diblumaasi sare oo kasoo jeeda maamulka Israa’iil.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinayay xarbi ka dhacday meesha oo dhex maraysa illaalada shirka iyo danjire haweenay oo lagu magacaabo Sharon Bar-Li oo ah ku xigeenka xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Israa’iil.

Sannadihii u dambeeyay, Israa'iil waxay samaysay dadaal weyn oo ay ku xoojinayso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalal badan oo Afrikaan ah.

Horaantii bishaan, madaxweynaha Chad Mahamat Idriss Deby Itno ayaa ku sugnaa Israel si uu safaarad uga furo Tel Aviv. Hase ahaatee, go'aankaas ma uusan helin taageero badan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israa’iil ayaa ku doodey in safiiradda ay haysatay waraaqdii ogolaanshaha ka qeybgalka shirka, waxayna ku eedeysay dalalka Koonfur Afrika iyo Aljeeriya in ay ka dambeeyaan dhibaatadaas dhacday, afduubna ku haystaan Midowga Afrika.

Balse mas’uul u hadlay Koonfur Afrika ayaa xusay in Israa’iil aanan weli la ansixinin in ay ergo korjoogto ah ku yeelato Midowga Afrika, taasna tahay arrin u taala ururka oo dhan, iyaguna aysan ku lug lahayn wixii dhacay.

Mas’uul kale oo u hadlay AU ayaa tibaaxay in sababta safiiradda shirka looga reebay ay ahayd in iyadu aysan ahayn mas’uulkii la siiyay ogolaanshaha ka qeybgalka shirka, ahaydna in Israa’iil soo dirsato ergayga u fadhiya Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM