Golaha Ammaanka oo ansixiyey qaraar la xiriira Soomaaliya

Image
Meelmarinta ayaa ka dambeysay ka gadaal markii codsi uu ka yimid ururka Midowga Afrika.

NEW YORK, USA - Golaha ammaanka ayaa Arbacadii shalay waxa uu ansixiyay qaraar dib u dhigaya dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah.

Iyadoo laga jawaabayo codsiga Midowga Afrika, qaraar tirsigiisu yahay 2670, kaasoo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee golaha, ayaa kordhinaya oggolaanshaha dhimista ATMIS illaa Juun 30, 2023.

Xilliga kama dambaysta ah wuxuu ahaa markii hore December 31, 2022, waxaa go'aamiyay Qaraarka 2628 ee March 2022, kaas oo dib u habayn ku sameeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo loo beddelay ATMIS.

Qaraarkan cusub, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu qabanqaabin doonaa shir rasmi ah oo looga hadlayo isbeddelka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambayn May 31, 2023.

Kulankaas ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan wakiilo ka kala socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM