Koonfur Afrika: Dadka ku dhintey dabley weerartay xaflad dhalasho

Image
Dadka geeriyoodey waxaa kamid ah mukiilaha guriga oo sidoo kale ahaa ruuxa munaasabadda dhigtay.

CAPE TOWN, South Afrika - Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay dad u dabaal dagayay sanad guurada dhalasho oo ka dhacaysay magaalo ku taal dalka Koonfur Afrika, waxaana halkaasi ku dhintay 8 ruux halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay booliisku sheegeen.

"Milkiilaha gurigu waxa uu u dabaaldegayay dhalashadiisa markii laba nin oo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ay soo galeen dayrka, fiidnimadii Axadda ee koonfurta magaalada dekedda ah ee Gqeberha, oo hore u ahaan jirtay Port Elizabeth, waxayna bilaabeen inay toogtaan martida," ayuu booliska yiri.

Dhacdadan ayaa dhacday intii u dhaxaysay 5:15pm iyo 5:30pm wakhtiga maxaliga ah (15:15-15:30 GMT) guri ku yaala Kwazakele. "Labo nin oo weerarka geystay ayaa ku lug lahaa toogashada," sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Kooxda weerarka geysatay oo aan la garaneyn ayaa “si aan kala sooc lahayn u toogtay martida”, sida ay booliisku sheegeen, iyaga oo intaa ku daray “8 qof ayaa dhimatay halka saddex kalena ay weli naftooda kula dagaallamayaan isbitaalka. Qofka guriga leh ayaa ka mid ah dadka dhintay.”

Waxaa la bilaabay baaritaan la xiriira weerarka, waxaana boolisku ay sheegeen in lagu raad joogo raggii falkan geystay.

Toogashada ayaa ku badan dalka Koonfur Afrika, taas oo leh mid ka mid ah heerka dilalka ugu sareeya adduunka, oo ay ka dhashaan rabshadaha burcadda iyo khamriga.

Koonfur Afrika sanadkii hore waxaa ka dhacay toogasho xiriir ah oo lagu dilay ku dhawaad ​​labaatameeyo baarar kala duwan oo ku yaalla xaafadaha shaqada ee Johannesburg iyo bariga magaalada Pietermaritzburg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM