Madaxwayne hore oo loo xirayo in uu haysto hub sharci darro ah
GABORONE, Botswana - Maxkamad ku taal Botswana ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynihii hore ee dalkaas Ian Khama kaasoo wajahaya 14 dacwadood oo isugu jira in uu haystey hub si sharci darro ah iyo lacag dhaqid.
Khama ayaa sanad ka hor u qaxay dalka ay jaarka yihiin ee Koonfur Afrika, ka dib markii uu khilaaf ba'an uu kala kulmay madaxweynihii la doortay ee Mokgweetsi Masisi.
Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Botswana ee haya talada dalkaasi 2019 ayuu isaga baxay, wuxuuna hadda yahay aas-aasaha Jabhadda Patriotic Front ee Botswana.
Bishii April ayaa Khama si rasmi ah dacwad loogu soo oogay laakiin weli ma uusan kasoo muuqan maxkamad. Amarka ayaa lagu sheegay in Khama lagu qabto isagoo meesha lagu arko.
Amarka lagu xirayo Khama ayaa ka dhashay eedeymo la xiriira in uu si sharci darro ah u haystay hub, dambigaas oo lagu eedeeyay inuu galay sanadka markii uu ahaa 2016-kii.
Eeda waxaa qeyb ka ah madaxii hore ee sirdoonka Isaac Kgosi, taliyaha booliska ee shaqada laga joojiyay Keabetswe Makgophe iyo Victor Paledi, oo hore u ahaa shaqaale sare oo dawladeed.
Sida uu dhigayo sharciga Botswana, haysashada sharci-darrada ah ee hubku waxay keenaysaa ugu badnaan 10 sano oo xadhig ah. Lama ogga haddii xukunkaas lagu xukumi doono Khama oo qareenadiisu ay beeniyeen in uu khalad sameeyay.
GAROWE ONLINE