Mareykanka: Shan gabdho Soomaali ah oo ku geeriyoodey shil gaari

Image
Image
Image
Image
Image
Hablahan oo saddex kamid ah ay isku-qoys ahaayeen ayaa isku-diyaarinayey xaflad aroos.

WASHINGTON, USA - Shan hablo Soomaali ah laguna kala magacaabo Sabiriin Cali, Sahra Gesaade, Salma Abdikadir, Sagal Hersi, iyo Siham Adam ayaa ku geeriyoodey shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis.

Hablahan oo saddex kamid ah ay kasoo jeedeen hal qoys ayaa markii falkan dhacayay kusii jeeday goob ay cilaan kasoo saaran lahaayeen si ay uga qeybgalaan aroos.

Booliska ayaa la sheegay in ay xireen nin la tuhunsan yahay in uu waday gaariga ku dhacay baabuurka ay la socdeen gabdhahan dhintey. Falkan ayaa argagax iyo uur-ku-taalo ku abuuray Soomaalida ku nool Ameerika.

"Gabdhahan waxay ahaayeen shaqsiyaad lahaa mustaqbal ifaya," ayuu yiri maamulaha Masjidka Xarunta Dar Al Faaruuq Khalid Cumar. "Waxaan ka hadleynaa luul, waxaan ka hadleynaa xiddigaha dhalaalaya ee bulshadeena".

“Ma aanan arag musiibo shan dhallinyaro ah oo ku geeriyootay goobta dhacdadan oo kale,” ayuu Cumar hadalkiisa ku daray. "Weligay ma arag wax sidaas oo kale ah".

Sabiriin Cali ayaa dhowaan ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee Edina waxayna qorsheynaysay in ay gasho Jaamacadda Minnesota, sidda ay sheegeen qoyskeeda iyo dad kale oo ku dhow.

Sahra Gesaade, oo 20 jir ahayd, ayaa ku dhaweyd in ay gabagabeyso heerka hoose ee waxbarashadda waxaana ay dhiganeysay dugsiga lagu magacaabo U of M Rochester.

SalmaCabdiqaadir, oo 20 jir ahayd, ayaa waxa ay ka baxday Normandale College. Siham Adam, 19-sano jir ahayd, ayaa waxa ay gashay U of M. SagalHersi, oo 19-sano jir ahayd, ayaa waxay ka baxdey Minneapolis College.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM