Pakistan: Qarax ismiidaamin ah oo sababay dhimashada 9 askari
ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan militariga Pakistan ayaa lagu dilay 7 kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan, sidda ay sheegeen saraakiil.
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Sibbi, waxaana lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Balochistan Constabulary, sida ay Anadolu u sheegtay Faarax Azeem oo ah afhayeenka maamulka Balochistan.
"Qofka looga shakisan yahay in uu is qarxiyay ayaa mooto uu watay ku jiiray gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa millatariga, kuwaas oo u taagnaa ammaanka xaflad dhaqameedka sanadlaha ah, oo inta badan loo yaqaan "Sibi Mela", oo soo gabagabowdey Axadii," ayuu yiri Azeem.
Dhimashada ayaa waxaa la filayaa inay kororto iyadoo dhowr qof oo dhaawac ah la sheegay inay xaaladoodu liidato, sidda ay xaqijiyeen saraakiisha caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif oo hadda ku sugan dalka Qatar ayaa cambaareeyay qaraxa, isagoo faray laamaha ammaanka inay adeegsadaan wax kasta oo suurtagal ah, si sharciga loo horkeeno dembiilayaasha.
Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse gooni u goosadka qowmiyadda Baloch iyo Tehreek-e-Taliban Pakistan, oo ay ku bahoobeen dhowr kooxood oo mintidiin ah oo Pakistan, ayaa muddo dheer bartilmaameedsanayay ciidamada ammaanka ee gobolka.
Gobolka waa marin muhiim u ah mashruuc ku kacaya aduun dhan $64-bilyan oo doolar oo ay waddo ku dhisayaan dowladaha Shiinaha iyo Pakistan ujeedkuna yahay isku-xirka gobolka Xinxiang ee Chinaiyo dekedda Gawadar ee Balochistan.
GAROWE ONLINE