Abaar iyo xanuuno xoolo ku dhow 3-kun ku dilay Jubaland

Image
Image
Image
Image
Jubaland ayaa laga soo wariyey abaaro saameyn ba'an u geystay dadka iyo duunyadda.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Dowlada Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn, Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed, wasaaradda ayaa waxay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa tibaaxdey in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Juba.

Ugu danbayntii, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM