Puntland iyo Minnesota oo "yeelanaya wadashaqeyn"

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada dowladda Puntland, mudane. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa shalay shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa Cusmaan wuxuu ku wehliyey shir-guddoonka kulanka oo ay xaadireen inta badan sharci-dejiyeyaasha golaha.

Fadhiga shalay ayaa waxaa Golaha Wakiillada DPL hor-yimid, Maxamuud Nuur, Xildhibaan Aqalka Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Nuur ayaa khubad dheer oo uu u jeediyey Golaha Wakiillada DPL waxa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta Baarlamaanada Puntland iyo Minnesota.

Sharci-dejiyaha ayaa cod dheer wuxuu ku xusay inay ka shaqeynayaan sidii qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Mareykanka maal-gashi ugu sameyn lahaayeen dalka.

Dhankiisa Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Xildhibaanka booqashada uu ku yimi Aqalka Wakiillada isaga oo xusay inay muhiimada siinayaan wada-shaqeynta labada Baarlamaan.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha ayaa ku war-geliyey Xildhibaanada in Golaha fasax sii ahaan doono illa inta laga soo gudbinayo liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM