Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka dhageystay guddiyo

Image
Warbixinadda ayaa khuseeyay kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay'addaha dawliga ah.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada dowlada Puntland.

Shir-guddoonka waxaa ku wehliyey Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Qoraal kasoo baxay baarlamaanka ayaa lagu xusay in ajanadaha kulanka uu ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 5 Guddi oo kala ah:-

Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo

Kaabayaasha Dhaqaalaha

Ugu dambeynti, warbixinnada ayaa, sida ku xusan war-saxaafadeedka, waxay ku saabsanaayeen kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay'addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM