Booliska Boosaaso oo qabtay burcad hubeysan

Image
Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah.

BOOSAASO, Puntland - Laamaha Amniga Magaalada Bosaaso ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii La soo dhaafay Cabasho Wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Boosaaso.

Ciidamada Booliiska ee ka howlgala magaalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan magaalada oo maanta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas.

Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo hada xaaladohooda Caafimaad lagu daweenaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo Itoobiya,

Qabaahada ragan dhalinyarada u badan ayaa timi kadib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska booliska Gobalka Bari.

Sidoo kale, waxaa jirtay dhalinyaro kale oo lagu soo qabtay dhaca Moobilada kadib markii Dadkii la dhacay ay weceen Lanbarka Gaaban ee Booliska Gobalka Bari 997 balse raadinti loo galay dhalinyradaas ayay booliska heleen goob ay donayeen in ay dhac ka geystaan sidaas ayaa lagu helay dhanyaradaan oo qeybtood manta ay Booliska soo bandhigeyn.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada iyo ciidamada booliska.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalada ragan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay Goobahaas, Taliye Xuseen ayaa sheegay in ragaan maxkamada la horgeyn doono waxa kalo uga digay dhalinyarada ku howlan falkaas in ay ka waantoobaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM