Booliska Puntland oo ka hadlay doorashada Aqalka Hoose

Image
Image
Image
Image
Coddeynta ayaa lagu waddaa in ay ka qabsoonto magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

GAROWE, Puntland - Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Garowe kulan kula qaatay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Ciro .

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay habka ay Ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Soomaaliya waxaana  ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku xigeenkiisa,Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo saraakiisha sugaysa amniga Doorashada heer Fedaraal.

Cabdi Yare ayaa Guddiga Doorashadda ee heer Federaal uga warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Xilibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya ee la filayo in ay ka dhacdo magaalooyinka Garowe iyo Bosaaso isagoo sheeegay in dhammaan ciiidanka loogu talagay sugudida amniga Doorashada ay heegan Buuxa ku jiraan.

Guddoomiyaha guddiga Doorashada heer Fedwraal Maxamed Xasan Ciro ayaa Talyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku xieenkiisa iyo Ciidanka Booliska ku amaanay sida hagar la'aanta ah ay xil isaga saareen sugida amniga Doorashada isagoo ku dhiiri galiyay in ay halkaas shaqada ka sii wadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM