Cilmi-baaris lagu sameeyay dekada Boosaaso oo sawir aan fiicnayn bixinaysa
GAROWE, Puntland - Waxaa laga yaabaa in aad si qeyb qeyb ah aad u maqashid Wararka ku saabsan dekeda Boosaaso, kuwaas oo aanan sawir dhamaystiran kaa siin karin sida uu yahay xaalka dekada iyo magaaladaba, balse daraasad weyn oo uu maalgaliyay mac-hadla Carnegie ee New York, taas oo qeyb ka ah mashruuc lagu magacaabo The Port Project ayaa sawir aan fiicnayn ka bixinaysa xaalka iyo mustaqbalka dekada iyo magaaladaba.
Daraasadda oo ararteeda la daabacay mardhow, ayaa sheegeysa in inkasta oo dekedda Boosaaso ay kobacday burburkii dowladdii dhexe kadib sababo la xiriira nabad gelyadii ka jirtay iyo dadkii tirada badnaa ee soo magangalay magaalada, ay hadda markii ugu horeysay qarka u saarantahay in ay meesha ka baxdo muhiimaddii ay lahayd.
Waxa ay daraasadda marka koowaadba tilmaamaysaa in meeshii ugu weynayd ee ay dekadani ku xirnayd oo ah dalka Yemen ay dagaalo ka jireen sanooyinkii lasoo dhaafay, meeshana uu ka baxay ganacsigii xoogga badnaa ee halkaasi kala dhaxeeyay.
Dekada Boosaaso ayaa ku xirnayd dekedo kale oo ku yaala Yemen iyo Cumaan, maadaamaa aysan lahayn awoodda wax-qaadka kunteerada sida tooska ah uga imanaya dadka badeecooyinka ay kasoo askumaan sida Shiinaha oo kale.
Sidoo kale is-dhinka dhaqaalaha adduunka iyo qalalaasaha jira ayaa Iyana saamayntiisa yeeshay.
Dakadaha gunta u qodan ee Muqdisho iyo Berbera oo ay ka maamulaan labo shirkadood oo laga kala leeyahay Turkiga iyo Imaaraatka, ayaa la keenay qalab casri ah oo kunteenarada dejiya, halka aysan adeegyadan lahayn Boosaaso, taas oo sii dhintay awoodeedii xawliga ahayd.
Boosaaso waxaa sanadkan dib ugu soo laabatay shirkadda DP World oo isaga guurtay sanadkii 2019-kii kadib markii markii la diley maamulaheedii dekada oo u dhashay jasiiradda Malta. Hadda waxaa la filayaa in shirkadani ay dekeda qalabayso.
Balse ganacsatada iyo dadka magaalada ayaa walaac xoogan ka qaba in qidmidaha DP World ee dekedda ay markale hoos u dhigaan muhiimadda ay leedahay , ayna isaga wareegaan ganacsato horey wax uga soo degi jiray.
Dad kala duwan oo ay daraasadda waraysatay ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan wax maalgalin iyo horumarin ah ku samaynin dekada tan iyo 1991-dii, keliyana iyada la dhuuqayay waxa kasoo baxa.
Xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni ayaa Iyana ay daraasadda sheegtay in ay wiiqday kalsoonidii lagu qabay magaalada xilli tartanka kaga imanaya dekadaha kale uu aad usii xoogaysanayo.
Daraasadda ayaa waxaa ku lug leh cilmi baarayaal ka kala socda Jaamacadda Durham ee Ingiriiska, dalka Jabuuti, Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.
GAROWE ONLINE