Deni: Dadka qabiilada kiciya wuu kasoo xirmay suuqa
MUQDISHO, Soomaaliya - Gabalkii siyaasiyinta kiciya qabiilada marka ay waayaan danahooda wuu dhacay, sida uu Sabtida maanta ah ka shaaca ka dhigay madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Deni ayaa hadaladan wuxuu ka shaaciyey Shirweynaha Daahfurka Ololaha Ururada Siyaasadda Puntland oo ka qabsoomay magaala madaxda Garowe ayna ka qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.
"Waan siinaynaa fursado iyo waano dadka qabiilada kiciya marka ay wax waayaan maadaama uu suuqa kasoo xirmay," ayuu xusay Deni oo beeniyey in xukuumadiisu is-hortaagtay dhaqdhaqaaq muwaadin ama urur.
Isaga oo aan cid gaar ah magacaabin, Deni ayaa ku tartarsiiyey siyaasiyiinta in ay danahooda gaarka ah ka horumariyaan dan qaranka ayna wax kasta ugu turaan sidii dalka horey ugu sii socon lahaa.
"Waxaan xaqiiqo ah oo aan qarsooneyn in dadka qeybtiisa nidaam siyaasadeedkii mudadii sodonka sano ah nasoo haystay oo runtii Soomaaliya halkaas dhigay araggaasna u yeelay oo siyaasiyiinta qeybtood ay mararka qaar isticmaalaan oo ah waxay rabaan hadday waayaan in aan waxba la helin arrintaas maanta waxaan rajayneyaa aniga oo runtii halkan baaq uga diraya siyaasada noocaas ah in laga waantoobo," ayuu yiri.
Dhanka kale, Deni oo walwal ka muujiyey xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ku jirto ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhacay in uu fursad u siiyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta in uu shaqadiisa guto.
"Madaxda uu [Farmaajo] ugu horeeyo waa in ay ra'iisul wasaaraha [Rooble] fursad u siiyaan in uu shaqadiisa guto," ayuu tibaaxay isaga oo shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan horumarka dowladnimada.
Madaxwayneyaasha maamuladda ayuu si gaar ah wuxuu kula taliyey in ay xal gooni ah iska saaraan sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiiska doorashada iyo amnigeeda oo xeerinaya in Rooble daadihiyo geedi-socodkan.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo in uu hormuud u yahay olole ballaaran oo ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan hogaaminta hanaankan isha lagu wada hayo.
Soomaaliya ayaa hadda taagan isgoys masiiri ah. Kala guurkan waxaa hareeyay xasarado siyaasadeed. Falanqeeyeyaashu waxay aaminsan yihiin in xiisadaha qeybtood ay yihiin kuwa lagu curyaaminayo doorashooyinka.
GAROWE ONLINE