Deni: Farmaajo uma doonayo Soomaaliya doorasho toos ah

Image
Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartey doorashada Puntland kadib dhaleeceynta Deni.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Puntland gaar ahaan bulshada degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ugu hambalyeeyay Doorashadda goleyaasha deegaanka ee taariikhiga ah ee qabsoomtay.

Deni ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul Soomaaliyeed oo Puntland ay horseeday, wuxuuna u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeeyay, Ciidamada Amniga, Ururada Siyaasada, Warbaahinta iyo Shacabka degmooyinka doorashadu ka dhacday.

Dhanka kale, Deni ayaa tibaaxay in degmooyinka kale ee ka haray coddeynta ay ku qabsoomi doonto sida ugu dhaqsiyaha badan isaga oo ku wargeliyey ururadda kale in ay u diyaar-garoobaan tartankaas.

"Ururrada waxaan u sheegayaa in saddex degmo oo keliya ay doorashadan tahay oo ay baaqi tahay 47 degmo , fursadda weli waa jirtaa, dhulkana waa lagu kala galaangal badan yahay ha is dhiganina ayaan leeyahay ururrada," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa ku dhaleeceeyay madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo in uu lasoo daahay hambalyadda guusha dhanka dimuqraadiyadda ee shacabka Puntland.

"Farmaajo in aanu doorashada Puntland hambalyeyn waxay ka dhigan tahay in aanu Soomaaliya la rabin doorasho toos ah, isaga oo bogaadinaya waxyaabo aad u yaryar," ayuu daaha ka rogay madaxweynuhu.

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaa kadib dhaleeceynta Deni waxay soo saartey qoraal ay ku sheegeyso in Farmaajo la xiriiray guddoonka ururada siyaasadda Puntland uguna hambaleeyay guusha dhanka dimuqraadiyadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM