Agaasime cusub oo loo magacaabay ciidamadda PMPF-ta

Image
Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xilli madaxwaynuhu dhowaan kormeeray mid kamid ah xerooyinka ciidamadan.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto wuxuu ku magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF ee Dowladda Puntland.

Sida laga soo xigtey digreetadda, Maxamuud Silaal Cumar ayaa waxaa loo gartey in uu noqdo Agaasime Ku-xigeenka rasmiga ah ee PMPF-ta Dowladda Puntland

Wareegtaddan lagu faafiyey ciwaanka madaxtooyadda ee barta Facebook-ga ayaa lagu caddeeyay in Maxamuud lagu xushay "Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo".

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 34 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha shaqo ee horyaala PMPF-ta Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Dowladda Puntland

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xilli madaxwaynuhu dhowaan kormeeray mid kamid ah xerooyinka ciidanka wallow askartaas ay kamid ahaayeen cutubyadda ilaalada madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM