Deni oo amar kasoo saarey tartanka cayaaraha Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay todobaadkan Amniga, Caabuqa Covid-19, xaaladda Gobollada iyo Doorashooyinka iyo Siyaasadda Biyaha Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale looga hadlay Ciyaaraha Gobollada Puntland.

Deni ayaa bogaadiyay in Ciyaaraha Gobolada Puntland ay siweyn u xoojiyeen isdhexgalka bulshada, dhiirigelinta dhallinyarada iyo ka qeyb qaadashada horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta ay khuseyso iyo dhammaan Hay’addaha Dowladda in loo baahanyahay masuuliyad dheeri ah oo la iska saaro sidii Ciyaaruhu si qurux badan ugusoo dhammaan lahaayeen, lagana wada qeyb qaato oo lala shaqeeyo Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeynaya.

Dhawaqa Deni ayaa kusoo aadaya xilli muran uu hareeyay koobka kubada cagta gobolada Puntland ee ka soconaya Garowr iyaddoo isqabqabsiga uu sababay in tartanka ka baxo gobolka Sanaag.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in guddiga Wasaaradda Cayaaraha u saarey xal ka gaarista khilaafka hareeyey Cayaaraha gobolada Puntland ay go’aan ka gaari doonaan saacadaha soo socda murankaan.

Wararka guddiga ayaa sheegaya iney suurtagal tahay in dib loogu noqdo cayaartii Kubadda cagta ee u dhexeyn laheyd Nugaal iyo gobolka Sanaag.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya wararka sheegaya iney jirto Tayo xumo Xiriirka Kubadda Cagta Puntland iyo Sida ay isugu milmeen Wasaarada Cayaaraha taas oo sababtey khilaafkaan.

Waxaa jira oo kale xogo xusaya in inta ay cayaaraha gobolada socdeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo kala taageersan gobolada Faragalin ba’an ku sameeyeen cayaaraha sababtuna aheyd hogaanka jilicsan ee Wasaarada iyo howlwadeenada kale ee xiriirka Kubadda Cagta ee Pubtland.

GAROWR ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM