Deni oo balanqaad u sameeyay warbaahinta Puntland

Image
Deni ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, in ay shaqadooda si madax banaan u qabsadaan, wuxuuna ku dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla.

"Waxaan maanta daah-furnay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay. Waa Guddi muhim u ah Dowladda iyo Warbaahinta labadaba iyo guud Bulshada inteeda kale," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Maadaama ay guddigu isugu jirto Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ururka Qareenada, waxaan rajeynaya in ay ku filanyihiin in ay shaqadan kasoo baxaan. Anaguna diyaar waxaanu u nahay inaan u fududeyno inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan Shuruucda u yaalla".

"Waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo Warbaahinta Puntland oo door muhim ah ka qaadatay inaan hirgelino yoolalkii dowladdu lahayd, Sida qaabkii ay uga warameen adduunkana u gaarsiiyeen dib-u-habeynta aan ku wadno Ciidamada, hirgelinta hufnaanta Maaliyadda, Shirkii Maalgashiga Puntland iyo shaqadii weyneyd ee u danbeysay ee Doorashadii hal Qof iyo cod ka aheyd," ayuu kusoo xiray.

Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM