Deni oo balanqaad u sameeyay warbaahinta Puntland

Image
Deni ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, in ay shaqadooda si madax banaan u qabsadaan, wuxuuna ku dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla.

"Waxaan maanta daah-furnay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay. Waa Guddi muhim u ah Dowladda iyo Warbaahinta labadaba iyo guud Bulshada inteeda kale," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Maadaama ay guddigu isugu jirto Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ururka Qareenada, waxaan rajeynaya in ay ku filanyihiin in ay shaqadan kasoo baxaan. Anaguna diyaar waxaanu u nahay inaan u fududeyno inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan Shuruucda u yaalla".

"Waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo Warbaahinta Puntland oo door muhim ah ka qaadatay inaan hirgelino yoolalkii dowladdu lahayd, Sida qaabkii ay uga warameen adduunkana u gaarsiiyeen dib-u-habeynta aan ku wadno Ciidamada, hirgelinta hufnaanta Maaliyadda, Shirkii Maalgashiga Puntland iyo shaqadii weyneyd ee u danbeysay ee Doorashadii hal Qof iyo cod ka aheyd," ayuu kusoo xiray.

Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM