Deni oo dufcaddii 4aad tababar ugu soo xiray xerada Xorgoble

Image
Image
Image
Image
Image
Mas'uuliyiin kala duwan ayaa ka qeybgashay munaasabada oo ka dhacdey magaalada Qardho.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Ciidamada Booliska Dufcadii 4-aad in ka badan 700 oo Askari tababar ugu soo xiray Dugsiga Xorgoble ee Qardho.

Xafladda soo xirida ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ,Wasiirka Wasaaradda Maaliyada,Taliyaha Ciidanka Booliiska, Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo mas'uuliyiin kale.

Ciidamada Booliska ayaa ka yimid Gobolada kala duwan ee Puntland, waxayna mudo tababar ugu jireyn Dugsiga Xorgoble iyaga oo qaatey Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin

1-Baarista dambiyada

2-Soo bandhigidda xogta dembiyada

3-Ilaalinta iyo caawinta  shacabka

4-Barshada sharicyada booliska

Iyo casharo kale oo la xiriira Ciidamada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dowlada Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa Ciidanka tababarka Loo soo xiray kula dardaaramay in aqoonti iyo tobabarkii ay qaaten si wanagsan ugu adeeegan bulshadooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu ciidanka ugu bushaareyey in ardeyda ay dhaleen ciidanku deeq waxbarasho (schoolership) u gaar ah dowladu u qoondeysay.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ugu dambayntii soo xiray tababarkan ayaa ciidamada wuxuu kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan amniga dalka si gaar ahna uga shaqeeyaan

1-Suurinta maandooriyaha Khamriga

2-La-dagaalanka Argagixisada

3-Caawinta Bulshada Puntland

Ugu danbeyntiina, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa isla munaasabadda wuxuu shaahadooyin ku gudoon-siiyey gabi ahaanba ciidankii kalmaha hore galay iyo macalimintodii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM