Deni oo guddoomiye KMG ah u magacaabay hay'adda PHA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa, sida laga soo xigtey wareegtadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyada, waxaa laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Jagadan waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu shaqada Hay’adda u sii wadaya, C/risaaq Maxamed Xayir, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, sida laga soo xigtay digreetadda.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.


Xirsi oo sababsadey dhaleeceyn uu dhowaan warbaahinta u mariyey hay'adaha dowladda gaar ahaan waaxda maaliyada ayaa intii uu xilka hayey waxaa lagu eedeyay in uu horseeday is-qabqabsi iyo khilaaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM