Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Nugaal

Image
Isbedelkan ayaa yimid xilli caasimada Garowe ay muddooyinkii lasoo dhaafay soo wajaheen dhacdooyin liddi ku ah amniga.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta ah soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Sida laga soo xigtay wareegtadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyada, Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Cawil Mataan ayaa, sida ku xusan digreetadan ku taariikheysan 2-da October uuna arkay warsidaha Garowe Online, waxaa lagu xushay Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Isbedelkan ayaa kusoo beegmaya xilli caasimada Garowe ay muddooyinkii lasoo dhaafay soo wajaheen dhacdooyin liddi ku ah nabad-gelyadda kuwaasoo isugu jira dilal iyo dhaca hubeysan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Deni oo lagu daabacay ciwaanka Madaxtooyadda ee Facebook-ga ayaa kusoo beegmay xilli magaala madaxda ay todobaadyadii dambe wajahdey amni darro.

Magacyadda xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)

2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin) 

3. Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin) 

Saddex dhacdo oo liddi ku ah amniga ayaa laga diiwaan-geliyey Garowe asbuucii hore. Falalkaas waxay soo cusbooneysiiyeen walaaca dadka qaar ka muujinayaan nabad-galyada magaala madaxda.

Garowe Online oo u kuur-galay ayaa la hadlay shacab iyo saraakiil ciidan. Maxsuulka baaritaanka waxay muujineysaa in sababta ay salka ku hayso maandooriyaha oo kusoo batay magaala madaxda.

Xukuumadda Deni ayaa ku guuleysatay ammaanka meelo ay ugu horeyso Gaalkacyo, dib-u-habeynta ciidamada soona saarto cutubyo horleh. Balse, waxaa muuqata in caasimadda uu amnigeedda sii liicayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM