Hab cusub oo loo qabanayo shirka wasiirada Puntland

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa nidaamkan wuxuu maanta kusoo bandhigay kulanka asbuuclaha ah.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta ah wuxuu guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulkan.

Kulankan ka dhacay caasimada Garowe ayaa todobaadkan looga hadlay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES) iyo Adeega danabeysan ee (E-Cabinet).

Wasaaradda Qorsheynta ayaa Golaha la wadaagtay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES), oo ah hannaan casri ah oo online-ka lagala soconayo maamulka iyo xogaha mashaariicda dalka ka socda.

"Golaha ayaa soo dhoweeyay habkan casriga ah oo daah-furnaanta leh," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay barteeda Facebook-ga ku faafisay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Ugu danbeyn, Madaxtooyada ayaa Golaha u soo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet), waa adeeg sahlaya in Shirka Golaha Wasiirada uu u qabsoomi hab casri ah iyadoo aan la adeegsanayn wax warqad ah.

"Wuxuu awood u siinayaa adeegaasi in Wasiiradu ay Shirka uga qeybgeli galaan hab-online ah, codkooda ku dhiibtaan, ajandaha iyo wixii falcelin ahna ay ku gudbiyaan," ayaa la raaciyey qoraalka.

Deni ayaa "boggaadiyay shaqada fiican ee la qabtay, diyaarinta habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha ay khuseyso in la dedejiyo howlgelinta adeegan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM