Haweenka Puntland ku matalaya Aqalka Sare ee Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa Arbacada maanta ah wuxuu doortey kow iyo toban [11] mudane ee maamulkan ku meteli doono Aqalka Sare ee federaalka afarta sano ee nagu soo beegan.

Seynab Ismaaciil Maxamed, wasiir ku xigeenkii wasaaradda degaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland, ayaa kusoo baxdey kursi Aqalka Sare ah iyaddoo qaab gacan-taag ah ku heshay codad dhan 65 kadib markii ay tartanka ka hartey Aamino Jaamac Ibrahim.

Samiira Maxamuud Xaaji Cawad ayaa ku guuleystay kursiga 10aad ee Aqalka sare Puntland iyada oo cod gacan-taag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen kadib markii ay tartanka ka haray musharaxii kale Naciima Axmed Bakar.

Sareedo Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay kursiga 11aad ee Aqalka sare Puntland iyadda oo cod gacan-taag ah ku heshay codadka 64 Xildhibaan markii Fartun Yusuf Jamac la sharaxneyd ay ka hartay tartanka.

Mudaneyaashaas waxay saddex kamid ah yihiin haween. Tani waxay Puntland ka dhigaysaa maamulka ugu badan ee dumarka fursad u siiyey kamid noqoshadda Senate-ka illaa haatan xubnaha la doortey.

Sidoo kale, waxaa jiray sharci-dejiyeyaal kale oo haween ah kuwaasoo la baratay arag hase ahaatee isgaa haray loolanka iyo qaar kale oo laga adkaadey markii ay codka dhiibeen mudaneyaasha.

Puntland oo la aas-aasay 1998-dii ayaa Senate-ka Soomaaliya waxay ku leedahay 11 xubnood. Kaliya waxaa lamid ah Somaliland halka dhamaan maamulada kale ay ku leeyihiin golahan min 8 xubnood.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ah kan ugu badan ee maalgelinta lagu sameeyay, Aqalka Sare ayaa metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Sikastaba, Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka July, 2021, balse waxaa dib-u-dhaca ku keenay khilaafaad kasoo shaac-baxay qadiyadda kuraasta goboladda waqooyi oo wali aan xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM