Intee la egtahay Miisaaniyadda Puntland 2022 oo la ansixiyay?

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2022, taasoo ay usoo gudbisay dhawaan Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka Maanta oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Garowe ayaa Xildhibaanno gaaraya 44 u codeysay Miisaaniyadda cusub, iyadoo uu ka aamusay hal Xildhibaan oo kaliya.

Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka soo socda ayaa gaareysa $354,093,039 [Saddex boqol iyo Konton iyo Afar milya, sagaashan iyo saddex kun, sodon iyo sagaal dollar].

Xildhibaanada ayaa sidoo lale loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mudda todobaad ah, si ay usoo akhriyaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda, oo laga dooni doono Xeerka Rugta Ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM