Kalfadhiga 48aad ee xeerdejinta Puntland oo furmay

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga ayaa jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa furay kalfadhiga, sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Furitaanka Kal-fadhiga 49aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Senator-da Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Dawladaha hoose ee Puntland kubas oo ka qabsoomay degmooyinka Eyl, Qardho iyo Uffeyn.

"Anigoo ka faa’iidaysanaya Munaasibadan qiimaha badan, waxaan boggaadinayaa sida habsamida leh ee ay inoogu socoto geedi-socodkii dimuqraadiyeynta Puntland gaar ahaan doorashooyinkii hordhaca ahaa ee ka qabsoomay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan hawshaas ballaaran uga mahadcelinayaa dhammaan shacab weynaha Puntland, Golayaasha Dawladda, Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ee TPEC, Ururada siyaasadda, Hay’adaha inaga taageera arrimaha doorashooyinka, saxaafadda iyo ciidamada amniga iyo nabadgelyada, waxaan Allah ka rajeyneynaa in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka harsan guul inoogu qabsoomi doonaan".

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 49aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM