Madaxwayne Deni oo magacaabay laba agaasime guud

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.

Jaamac Xasan Cabdule ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Maxamed Imaan Cabdulle ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

Isbedelka wasaaradda cayaaraha wuxuu imaanayaa iyaddoo dhowaan uu muran salka ku haya maamul xumo uu hareeyay tartanka kubada cagta gobolada Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Garoowe: 20 August 2021 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD



GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM