Madaxwayne ku xigeen hore oo hantay kursi Aqalka Sare

Image
Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] oo sidoo kale soo noqdey wasiir ayaa ku guuleystay cod gacan taag ah. [Photo: PP]

GAROWE, Puntland - Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] ayaa cod gacan taag ah ku wuxuu hantay kursigii labaad kadib markii ay tanaasushay musharaxii la tartameysay oo ah Kowsar Cabdullaahi Xersi.

Madaxwayne ku xigeenkii iyo wasiirkii hore ee maaliyada dowladda Puntland ayaa wuxuu helay 65 cod oo ah dhamaan mudaneyaasha soo xaadiray fadhiga golaha ee ka dhacay Garowe.

"Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab) ayaa ku guuleystay Kursiga labaad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 2aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Kawsar Cabdullahi Xirsi ay ka hartay tartanka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay baarlamaanka.

Musharaxa la haray tartanka ayaa guuleystaha u rajeeyay in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisa ahaa in uu ka shaqeyn doono danaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si gaar ah arrimaha dowladda Puntland.

Puntland oo la aas-aasay 1998-dii ayaa Senate-ka Soomaaliya waxay ku leedahay 11 xubnood. Kaliya waxaa lamid ah Somaliland halka dhamaan maamulada kale ay ku leeyihiin golahan min 8 xubnood.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ah kan ugu badan ee maalgelinta lagu sameeyay, Aqalka Sare ayaa metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka July, 2021, balse waxaa dib-u-dhaca ku keenay khilaafaad kasoo shaac-baxay qadiyadda kuraasta goboladda waqooyi oo wali aan xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM